10-kii Sano Ee Udambeysay, Waa Imisa Wadarta Guud Ee Goolal Ay Dhaliyeen Messi Iyo CR7?

Dunida kubadda cagta Casriga ahi, masoo marin Labo xiddig oo lamid ah xiddigaha Messi iyo Cristiano Ronaldo, waxayna sameeyeen wax waliba oo Rikoor ah, oo loo baahnaa in la sameeyo iyo sareyn midii ugu qiimaha badneed.

10-kii sano ee kasoo dhaafay waxyabaaha sida weyn loola yaabay oo ay sameeyeen labaddaan Xiddig ayaa waxaa kamid ahaa, inay wada qeybsadeen sagaal kamid ah abaalarinta xiddigaha aduunka ee Ballons d’Or.

Sidoo Kale, waxa ay dhaliyeen Xirfadooda kubadda cagta wadar ahaan goolal ka badan 1000, marka laga hadlo mid ay udhaliyeen Kooxohooda iyo Xulalkooda, taas oo ah, wax aan horey loogu arkin Kubadda cagta.

Sheekadaan ayaa waxay daliil utahay in labadaan laacib ay yihiin kuwa ugu sareeyay ee qaab ciyaareedkan soo bandhiga 10-kii sano ee ugu dambeysay, sidaad darteeda miyaysan uqalmin in la yiraahod waa Caruutii Kubadda cagta.

Ronaldo & Messi: Children of football

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close