Iker Casillas Oo Fariin Qurux Badan U Diray Gigi Buffon

Buffon ayaa horay u soo jeediyay in xilli ciyaareedkan uu noqon doono midkiisii ugu danbeysay ayaa taageerayaal badan ay iska sii ogaayeen in haddii Italy ay ka soo talaabsan weyso Sweden in Buffon uu ku dhawaaqayo inuu ka fariistay xulka qaranka.

Buffon ayaana oohin iscelin wayay markii uu ku dhawaaqayay ciyaarta ka dib in kulankaan uu ahaa kiisii ugu danbeysay ee xulka qaranka, waxaana xanuun badan ku heysay in Italy ay ka maqnaato Koobka Adduunka markii ugu horeysay tan iyo 1958.

Taageerayaal badan oo kubada cagta ah ayaana ka murugooday inay arkaan Buffon oo ilmeynaya, si la mid ah goolhayaha kale ee halyeeyga ah Iker Casillas kaasoo fariin qurux badan u diray dhigiisa Talyaaniga.

Goolhayaha reer Spain ayaa fariin taageero ah u diray Buffon taasoo u tarjumeysa: “Ma jecli inaan kugu arko sidaan. Waxaan ku arkaa sida ay dad badan weli kuu arkaan: halyeey. Sharaf ayay ii tahay inaan ku garanayo, sharaf ayay ii tahay inaan dhowr jeer kaa horimid. Waxaad weli inooga farxin kartaa kubad saaxiibtinimo!”

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close