LAMA FILAAN: Aubameyang Oo Doonaya Inuu Ku Biiro Koox Weyn Oo Ka Dhisan Horyaalka EPL

Weerar yahanka naadiga Borussia Dortmund, ee Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa waxa uu doonayaa inuu kusoo biiro kooxda ka dhisan Galbeedka London ee lagu magacaabo Chelsea, sida ay sheegayaan wararka.

Chelsea, ayaa waxaa dhankeeda la tilmaamayaa inay dalab ay ka gudbisay wiilkaan heerka caalami ee kasoo jeeda dalka Gabon, waxaana uu uu dhaliyay 15 gool, 17 kulan uu garoonka usoo galay xagaagan naadiga Blues.

Jariiradda Daily Mirror, ee kasoo baxda wadanka Ingiriiska, ayaa qoreysa in kooxda Blues, ay dooneyso inay soo xero giliso wiilkaan, waxaana maamulaheeda Antonio Conte:- uu diyaar uyahay inuu kala hadlo maamulka kooxdiisa.

Wararka Jarmalka laga helayo ayaa waxay sheegayaan in laacibkaan kooxdiisa ay go’aan satay inay iska fasaxdo, wiilkaan, kadib markii ay kusoo eedeysay inuu sameeyo anshax xumo ah, inuu kasoo daaho tababarka.

Arintaan ayaa waxay leedahay Daily Mirror:- waxay ku riixday in wiilkaan uu go’aan sado inuu yimaado Premier Leggue, gaara ahaan Blues, waxaana ay suura gal ah inuu bedalo mowqifkiisa, hadii uu helo dalabyo kale.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close