Heegan iyo Horseed oo mar kale fooda isdari doona, Goormee +sababta

IMG_DDBD76-C4CC59-9C896B-E2E1FE-6012CB-ED4994

Waxa Maalinka Khamiista ah isaga Hor imaan doona Garoonka Banaadir kooxihii dhawaan dheeley Finalka koobka Genaral Daa uud ee Heegan iyo Horseed kuwaas oo dheeli doona Koobka Super Cupka Soomaaliya Maadaama ay kala haystaan Horyaalka iyo Koobka Genaral daa uud.

Kulankaan ayaa loo malaynayaa in uu noqdo mid aad u adag Maadaama labadaan kooxood ay dhawaan dheeleen Cayaar aad u adag oo Final ah Waxaana 2-1 Guushu ku raacday Naadiga Horseed oo ku Guuleystey Koobkii iyaga oo weliba ku dheelaya 10 Cayaaryahan.

Cayaartaan ayaa lasheegayaa in Labada Maamul ee kooxahaan ay aad u Guubaabiyeen iyaga oo doonaya in aan Laga badin waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Cayaartoyda Horseed loo balan qaaday Abaal marin Lacageed hadii ay markale kabadiyaan Heegan.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close