Weeraryahanka cusub ee Arsenal uma Cayaari doono Kulanka Everton maxaa u, sabab ah

Tababaraha kooxda Kubada cagta Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in Weeraryahankiisa Cusub ee Pierre-Emerick Aubameyang uusan Cayaari doonin Kulanka Horyaalka England ee ay ladheeli doonaan Naadiga Everton.

Arsene Wenger oo qabtay shir Jaraa id ayaa sheegay in Cayaaryahanka  xulka  Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang uusan diyaar u ahayn Cayaarta Everton isla Markaana uu Xanuunsanayo sidaa daraadeed ayuu u sugi doonaa kulankiisa koowaad ee Arsenal.

Macalin Arsen Wenger ayaa cadeeyey in uu soo laabtay Cayaaryahanka dalka England ee Jack Wilshere kaas oo u diyaar ah Cayaarta ay maanta la dheeli doonaan kooxda Everton.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa laga qaaday Sawiro isaga oo ka qayb qaadanaya Tababarka Arsenal balse Macalinkiisa Arsene Wenger ayaa cadeeyey in uu Xanuunsanahay oo uusan Cayaari doonin kulanka kooxda  Everton ee caawa  ka dhacaayo garoonka Emirates Stadium

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close