3 Arimood Oo Sabab Ka Dhigi Karta Laga Badiyo Barca Ama Ay Badiso Kulanka Caawa UCL: Ogow

Camaaliqada Horyaalka La Liga, ee Barcelona, ayaa waxay caawa ay dheeli doontaa kulan ciyaareed aad uxiiso badan kaasoo ka tirsan Champions League, iyadoona wijihi doonta kooxda Olympiakos, oo Greek-ga ka dhisan.

Ciyaartaan ayaa waxaa lagu dheeli doonaa garoonka Blaugrana ee Comp Nou, waxaana uu yahay mid aad uxiiso badan, waxaana koox waliba ay tahay mid garoonka usoo geli doonta inay badiso caawa.

Maamulaha Barca ayaa wuxuu kulankaan uu usoo xushay saf xoogan, waxaana aanan ka liidan dhanka kale, kuwaasoo umuuqda inay duulaan ay diyaar uyihiin – Hadaba ogow sedex waxyaabood oo go’aamin kara ciyaartaan.

  1. Sergio Busquets vs Konstantinos Fortounis

Sergio Busquets, ayaa wuxuu wijihi doonaa laacibka halista ah ee Fortounis, kaasoo dhaliyay afar gool, kulamadii ugu dambeyay, waxaana hadii uu fursad badan ka helo dhaxda uu daadka qaadsiin karaa Barca.

  1. Lionel Messi vs Björn Engels

Inkastoo ay adag tahay in la celiyo Messi, hadana wiila Daafaca dhexe ka dheela ee Björn Engels, ayaa waxaa haatan utaala shaqadaas, waxaana looga fadhiyaa inuu joojiyo Messi, isagoona ku jira qaab ciyaareed wanaagsan.

  1. Andres Iniesta vs Vadis Odjidja-Ofoe

Odjidja-Ofoe, ayaa wuxuu caawa uu qadbada dhexe uu kula dagaalami doonaa mid kamid ah, wiilasha dhaxda ka dheela kuwa wanaagsan, waxaan si uu uqariyo looga baahan yahay shaqo adag, inakstoo Iniesta, uu yahay mid cajiib ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close