3 Arin Oo Uu Messi Ku Diiday Dalabkii Waalida Ahaa Ee Man City Oo Daboolka Laga Qaaday

Manchester City, ayaa waxay isku deyday inay dalab waali ah ay kusoo jiidato Lionel Messi, ka hor inta uusan qalinka ku jiidin heshiis cusub, kaasoo uu kusii joogayo camaaliqada horyaalka Spain, ee Barcelona.

Dalabka ay City ku dooneysa inay ku qaadato Messi, ayaa waxa uu gaaraya aduun dhan 100 Malyuun oo ay dheertahay 50 Malyuun oo Yuuroo, taasoo uu mushaar ahaan uu u qaadan doono sanad kasta.

Balse, Messi, ayaa garabka ku dhuftay sida muuqatay, dalabkaas, waxaaan uu ka doortay inuu afar sano uu heshiis uu usaxiixo Barcelona, waxaana haatan uu yahay laacibka ugu mushaarka badan xidigaha kubada cagta.

Hadaba, khabiirka Marcos Lopez, ayaa waxa uu soo bandhigay sadex arimood, oo uu umaleynayo in Messi, uu kaga door biday dalabka uga imaanayay Sky Blues, waxaana ay kala yihiin afartaas arimood.

In Uusan Xiriir Fiican Kala Dhaxeen Messi iyo Guardiola:- Inkastoo ay kasoo wada shaqeeyeen Barcelona, hadana Lopez ayaa waxa uu rumeysan yahay in Messi, uusan marnaba dooneen inuu dib ula shaqeeyo Pep.

Inuu Doonayay Inuu Ka Saro Maro Neymar Iyo Ronaldo:- Hada waxa uu yahay Messi, laacibka ugu mushaarka badan aduunka iyo sidoo kale, waxa uu yahay laacibka ugu badan ee lacago lagu burburin karo heshiiskiisa waana 700 Malyuun.

Inuu Doonayo Inuu Noqdo ‘Hal Shaqsi Iyo Hal Koox’:- Lionel Messi, ayaa waxaa xusid mudan in uusan udheelin koox aan ahayn Barcelona, waxaana uu doonayaa inuu sidaas sii ahaado, uuna halkiisa baaqi kusii ahaado.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close