Abaalmarinada Caawa La Bixin Rag Iyo Dumar, Sida Loogu Kala Cad Cad Yahay Iyo Sheekooyin Kale

Waa caawa loo madalsan yahay in la bixiso Jaa’izooyin kala duwan oo ku saabsan Koobka Koowaad ee loogu daawashadda badan yahay Aduunka iyo Qaaradda Yurub ee Champions League.

Xafladda lagu bixinayo Abaalmarinadaan ayaa waxay ka soconeysaa qaban qaabadiidii ugu dambeysay dalka Faransiiska, gaara ahaan Magaalada Monaco ee dalkaas, iyadoona ay kasoo qeyb gali doonto Madax kala duwan.

Madaxweynayaasha Kooxaha ka qeybgalaya sanad ciyaareedka 2017/18 ee Koobkaan ayaa soo xaadiri doono Madasha, waxaana lagu wadaa inay udhacdo, si heer sarre ah, oo ay ku jirto Nabad gelyo.

Caawa ka sokow isku aadka Koobkaan ayaa waxaa ka bixin doonaa Jaa’izooyinka kala ah Xiddiga Qaaradda Yurub, oo ay isku soo hareen Messi, Ronaldo iyo Buffon, waxaana ugu cad cad CR7 iyo Messi.

Sidoo kale, waxaa caawa la bixin doonaa Abaalmarinta xiddiga Koobkaan ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, iyadoona ay utartamayaan xiddigo waa weyn, oo ay ku jiraan isla kuwaan aan soo xusnay.

Kooxdii ugu wanagsaneed ayaa sidoo kale, lasoo saari doonaa, iyadoona la filayo inay kasoo muuqdaa xiddigo magac iyo maamuus ku dhax leh, Kubadda cagta Qaaradda Yurub, siiba Horyaalada waa weyn.

Waa sidoo kale dhanka haweenka la bixin doonaa Gabadha ugu fiican ee xilli ciyaareedkii laga soo gudbay bandhig fiican sameysay Koobkaan, qeybtiisa haweenka waxaana ugu cad cad Gabadha la dhoho Lieke Martens.

Sikastaba, waxaa jiri doona Abaalmarino kale, kuwaan ayaa waxay yihiin kuwa ay indha ku hayso, waxaana wax waliba oo kusoo kordhaa dhacdadaan ay caawa indha ku hayso aduunka aad kala socon doontaa LAACIB.so.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close