AFAR Meel Oo Ay Ku Kala Badin Kartaa Real iyo PSG Kulanka Caawa Ee CL Oo La Ogaaday

Mid kamid ah, kulamada ugu xiisaha iyo Xamaasadda badan ee laga dheeli doono xili ciyaareedka wareega 16-ka Champions League, ayaa caawa la sugayaa waana midka ay wada qaadan doonan kooxaha Real Madrid iyo PSG.

Ciyaartaan oo lugta hore lagu dheeli doono garoonka Los Blancos, ayaa wuxuu yahay mid waxa kasoo baxa uu go’aamin doono naadiga utilaabi doonta wareega Sideed dhamaadka ee tartankaan xiisaha badan.

Madrid, ayaa waxay ubaahan tahay kulankaan inay guul ay gaarto, islamarkaana shaqabaqeeda ay ilaashato, halka PSG, ay iyadana waajib ay ku tahay inay weerar ay ku qaado Shabaqa Madrid, si ay faa’ido uhesho.

Sikastaba, waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbin doonaa Afar ciyaartoyd oo muhiim ah, kuwaasoo go’aamin kara Natiijadda kasoo baxda ciyaartaan, islamarkaana ah meelaha ay ku kala badin karaan naadiyaddaan.

Kylian Mbappe vs. Sergio Ramos

Daafaca dhexe ee Real Madrid, ayaa wuxuu yahay mid wajihi doona mid kamid ah da’yarada kubada cagta, kuwooda ugu halista badan waqti xaadirkaan.

Image result for Kylian Mbappe vs. Sergio Ramos
Kylian Mbappe vs. Sergio Ramos

Laakiin kabtanka Los Blancos, oo kaashanaya Khibradiisa, ayaa wuxuu ubaahan yahay inuu xakameeyo dhaqdhaqaaqa wiilkaan reer Franca.

Luka Modric vs. Marco Verratti

Waa mid kamid ah dagaalka ugu culus ee kulankaan ka dhici doono, waana midka khadka dhexe, iyadoona ay baahan yihiin labadaan wiil tamar badan.

Related image
Luka Modric vs. Marco Verratti

Labadaan ciyaartoy oo lagu yaqaano kubadda xarago leh ayaa ubaahan in ciyaartaan ay Kooxdooda uhorseedaan inaan looga adkaan khadka dhexe.

Cristiano Ronaldo vs. Thiago Silva

Daafaca PSG, ayaa wajahaya dhibaatada ugu culus marka uu ka hor-yimaado laacibka shanta jeer ku guuleystay xidiga aduunka ugu fiican.

Image result for Cristiano Ronaldo vs. Thiago Silva
Cristiano Ronaldo vs. Thiago Silva

Laakiin, khabiirka reer Brazil, ayaa wuxuu ubaahan yahay inuu ciyaartaan si fiican ula socdo dhaqdhaqaaq walba oo uu kabtanka Portugal ciyaartaan ka sameeyo.

Neymar vs Nacho

Waa walwalka badan ugu badan oo ay qabaan taageerayaasha Los Blancos, kuwaasoo aaminsan in Nacho uusan celin karin Neymar.

Image result for Neymar vs Nacho
Neymar vs Nacho

Balse, kuwa qaar ayaa rumeysan in Daafacaan reer Spain uu heli karo tamar badan si uu ujoojiyo Neymar – Mar sii horeysay daafaca booskaan ka ganaaxan ee Dani Carvajal, wuxuu sheegay in Neymar aanan si naba lagu xakameyn karin.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close