Home » Falanqeynta » AFAR Waxyaabood Oo Waajib Kaaga Dhigeysa Inaad Daawato Kulanka Real Iyo Barca Ee Supercopa

AFAR Waxyaabood Oo Waajib Kaaga Dhigeysa Inaad Daawato Kulanka Real Iyo Barca Ee Supercopa

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, ayaa waxay caawa isku fara saari doonaan Lugta koowaad ee Koobka Supercop-ka dalka Spain, wuxuuna kulankaan ka dhici doonaa garoonka ay ku dheesho Barca, Wuxuu yahay kulan ciyaareed ay si weyn usugaan dhamaan dadyowga kala duwan ee xiiseeya ciyaaraha, iyadoona haatanba qaar kamid ah dadka ay iska sii xaadirinayaan halka ay ciyaaru ka qabsoomeyso.

Haddaba, Shabakada Laacib.so, ayaa usoo gudbineysa AFAR, waxyaabood oo aad udaawaneyso kulankaan, iyadoona ay udhacayaan sidaan:-




Real Madrid Oo Isku Dayaysa Inay Ka Aargudato Barca

Kooxdaan ayaa waxay horey ula soo ciyaartay Camaaliqada Spain, kulan kaasoo ka tirsanaa kuwa leyskugu diyaariyo xagaaga cusub, waxaana dhagta lagu soo fhuftay Boqoradda Spain iuo Qaaradda Yurub ee Madrid.

Ronaldo Oo Booqanaya Garoonka Barca Ka Hor Xagaaga Cusub

Ciyaaryahanka koowaad ee Los Blancos, ayaa wuxuu booqanayaa garoonka Comp Nou, oo ay ku ciyaarto Barcelona, halkaasoo la aaminsan yahay in tahay meel uu aad ujecelyahay inuu goolal badan kusoo dhalinayo.




Barca Oo Iska Iibisay Neymar

Barcelona ayaa waxay 222 Malyuun ku iibisay Xiddigeeda Neymar, kaasoo naadigaan kaga dhaqaaqay dhankaa iyo PSG, wuxuuna qalinka ku jiiday shan sano oo heshiis ah, xilli uu wali muran ka teegan yahay bixitaankiisa.

Bluagrana Oo  Yeelatay Macalin Cusub

Inkastoo uu horey usoo lee liyay kulamo gaaraya illaa iyo Afar, haddana, wuxuu markaan maraya Tijaabadiisii ugu adkeed ka hor inta uusan furmin Horyaalka La Liga, oo ah inuu marti qaado Cad Cadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*