Agaasimaha Fulinta Barca Ee Marotta Kasoo Yeeray War Naxdin Iyo Qalbi Jab Ku Ridayaya Jamaahiirta Kooxdan

Agaasimaha Guddiga Fulinta ee Kooxda Barcelona, ninka lagu magacaabo Marotta ayaa wuxuu sheegay in helitaanka kooxdaan ee wiilka udhashay dalka Argentina, ee Paul Dybala ay tahay wax aanan dhici karin, isagoona bedalkeeda sheegay inay xoojin doonaan dadalaadooda Coutinho iyo Di Maria.

Wuxuu sheegay in Barca ay go’an tahay inay lasoo wareegto xiddig ama laba ciyaaryahan, wuxuuna rajo fiican umuujiyay tageerayaasha kooxdaan, isagoona sheegay inay lasoo wareegi doonana midkooda laacibiintaan, xilli lagu guda jiro waqtigii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga.

Coutinho ayaa waxaa lagu waramayaa in Barcelona ay ku dhow dahay inay lasoo wareegto, iyadoona la sheegayo in inay kula heshiisay 160 Malyuun, waxaana lagu waramayaa inuu imaan doono saacadaha soo aadan, wallow aanan la xaqiijin karin shekooyinkiisa.

Sidoo Kale, Di Maria ayaa waxaa isana la sheegayaa in kooxda uu ka tirsan yahay ee PSG iyo naadiga Blaugrana ay uwaddo socdo wada hadal, waxaana agaasime Marotta, uu sheegay inay soo gaban gabeyn doonaan saacadaha soo aadan, waxaana loo fadhiya waxa soo kordha.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close