Aguero Oo Biyo Qaboow Ku Shubay In Uu Ku Biiri Doono United – Go’aano Cusubna Lasoo Baxay?

Weeraryahanka Kooxda Manchester City iyo Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee Argentine ayaa waxa uu ka hadlay wararka sheegaya in uu ku biiro doono kooxda ay aadka uxifaaltamaan Naadigiisa ee United-ka.

Sergio Aguero ayaa waxaa mudooyinkii dambe leyska dhaxmarayay in uu udhaqaaqi doono Red Devils kadib markii la sheegay in ay isku dhaceen Hogaamiyaha Kooxda uu ka tirsan Xiddigaan ee Pep.

28-sano jirkaan Shuudaha dhaadheer ganna ee Xamaala Kooxda  City iyo Xulkiisa Argentine ayaa waxa uu geeska gilliyay imaanshihiisa kooxda ugu guulaha badan Wadanka Ingiriiska ee Red Devils.

Xagaagan ayaa si weyn loo hadal hayay in xiddigaan Gaaban in uu ku biiri doono Manchester United kadib markii dalab waali ah uu ka helay Hogaamiyaha Uinited Mr Jose Mourinho oo sheegay in uu doonayo xiddigaan.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close