Alexandre Lacazette oo mudo 6 Todobaad ah ka maqnaan doona Garoomada

Cayaaryahanka kooxda kubada cagta Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa lasheegay in uu soo gaaray dhaawac uu garoomada kaga maqnaan doono mudo 6 Todobaad ah.

War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska kooxda Arsenal ayaa lagu Cadeeyey in qaliin Jilibka ah lamarsiin doono Cayaaryahanka kooxdaas ee Alexandre Lacazette kaas oo ay cadeeyeen in uu mudo lix Todobaad ah kaga maqnaan doono Naadigiisa.

Lacazette ayaa badal ku soo galay kulankii darbiga Waqooyiga london ee kooxdiisa looga badiyey 1-0 waaase soo gaaray dhaawac Jilibka bidix ah kaas oo qaliin looga samayn doono waxaana Arsenal haysataa oo u dheeli doona Weeraryahanka dalka Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo aan u Cayaari doonin koobka UEFA Europa League oo ay khamiista dheeli doonaan.

Kulamada ay Arsenal dheeli doonto inta uu ka maqanyahay Alexandre Lacazette?

February 15 – Ostersunds (away) – Europa League last-32

February 22 – Ostersunds (home) – Europa League last-32

February 25 – Man City (Wembley) – Carabao Cup final

March 1 – Man City (home)

March 4 – Brighton (away)

March 11 – Watford (home)

March 17 – Leicester (away)

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close