Alexis Sanchez Oo Shaaca Ka Qaaday Arin Wadna Xanuun Ah Lionel Messi Guuldaradii Sem-finalkii 2012

Laacibka weerarka uga cayaara kooxda kubada cagta ee Man United Alexis Sanchez ayaa shaaca ka qaaday dareenkii xiddiga Lionel Messi kadib semi-finalkii champions league ee sanadkii 2012.

Kooxda chelsea ayaa reebtay Barcelona sanadkii 2012 iyada oo iyadu iska xaadirisay finalka kuna guulaysatay champions league sanadkaas.

Alexis Sanchez ayaa sheegay in Lionel Messi oohin la aamusin kari waayay kadib markii a cayaartu dhamaatay Barcelona-na ka hartay tartanka.

Laacibka xulka Argentine ayaa khasaariyay Rikoore kaas oo Barcelona ka dhigi lahaa boos fiican oo 3-1 ah laakiin rikooradii loo dhigay ayuu ku dhuftay birta sare.

Daqiiqado kadib Fernando Torres ayaa dhaliyay goolka sida weyn loo wada xasuusto isaga oo goolhaye Victor Valdes oo chelsea ka caawiyay in ay finalka gaarto sanadkaas.

Alex Sanchez ayaa ku bilowday kulankaas waxana uu dhaliyay gool wakhti dambe ah laakiin waxa loo diiday Dani Alves oo offside ku jiray.

Waxa uu u sheegay Sky Sports: “Waad ooyi kartaa marka Final lagaa reebo waana qayb ka mid ah kubada cagta qolka labiska Barcelona ka dib cayaarta Chelsea, waxaan arkay Leo messi ooyay.

Taasina waa sababta oo ah cayaartoydu wax badan ayey dalbadaan naftooda, dadkuna ma arkaan ayuu sii raaciyay hadalkiisa

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close