Home » Falanqeynta » Alvaro Morata oo guursaday Jacaylkiisa Alice Campello,+sawirro

Alvaro Morata oo guursaday Jacaylkiisa Alice Campello,+sawirro

Ciyaaryahanka Kooxda kubada cagta Real Madrid ee Alvaro Morata ayaa maanta la aqal galay gabadha uu dunida ka calmaday ee Alice Campello.laacibka heerka Caalami ee dalka Spain Alvaro Morata ayaa hore u shaaciyay in magaalada Venice ee dalka Talyaaniga uu kula aqal geli doono gacalisadiisa Alice Campello 19-ka bishan June.

Xiddiga diirada u saaray Kooxda ugu guulaha badan England Manchester United ee Morata ayaa Jacayl wadaag la ahaa gabadha xaga fashion-ka ee dalka Talyaaniga muddo dhan afar sano, hase ahaatee Maalinnimadii isniin ayuu kula aqal galay Kaniisad ku taala Magaalada Metropolitan City of Venice ee gobolka Veneto.

laacibkii hore ee Kooxda West Ham Simone Zaza iyo kubad sameeyaha Kooxda Real Madrid Isco ayaa soo xaadiray Arooska Cayaariyahankii hore ee Kooxda Juventus Alvaro Morata.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*