Alves Oo U Goondiyay Xidigaha England Ka Hor Kulanka Caawa Ee Ka Dhacaya Garoonka Wembley

Xulalka England io Brazil, ayaa waxay caawa ay wada dheeli doonaan kulan saaxiibtinimo, kaasoo ka dhici doonaa garoonka qaranka UK, ee Wembley, kaasoo ku yaala caasimada wadankaan ee London.

Hadaba, kulankaas ka hor, ayaa waxaa lasoo calaamadeenayaa sheeko xiiso leh, taasoo ku aadan in Daafaca PSG, ee Dani Alves, uu digniin uu udiray wiilasha England, taasoo ku aadan inay wajahayaa “New Ronaldo”

Wuxuu sheegayaa Alves, in weerar yahanka Manchester City ee Gabriel Jesus, uu yahay “New Ronaldo Nazario” islamarkaana uu u dheelo sidiisa oo kale, uuna caawa uu wacdaro uu ka dhigi doono Wembley.

“Waxaa loogu yeeraa “New Ronaldo” sababtoo ah, wuxuu udheelaa siidiisa oo kale, tan iyo markii uu yimid England, awood ahaan, maskax ahaan iyo jir ahaan waa mid sarre u kacay,” ayuu usheegay wariyaasha Alves.

Gabriel Jesus, ayaa wadankiisa Brazil, wuxuu udhaliyay Todoba gool, waxaana goolkii ugu dambeeyay uu udhaliyay ciyaartii ugu dambeysay, oo ay 3-1 ay kaga soo badiyeen dhigooda Japan.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close