Andreas Christensen oo waqti dheer heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Chelsea

Daafaca kooxda kubada cagta ee chelsea Andreas Christensen ayaa heshiis cusub oo afar sanadood iyo bar ah qalinka ugu duugay Naadigiisa Chelsea.

Xiddiga 21-sano jirka ah ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyey kooxda uu hoggaamiyo macalin Antonio Conte xilli cayaareedkan, isagoo illaa iyo haatan saftay 22 kulan.

Tan iyo markii uu ka soo laabtay kooxda dalka Jarmal ee Borussia Monchengladbach, halkaasoo uu ku soo qarash gareeyey labo xilli cayaareed oo amaah ah, Christensen ayaa horumar sameeyey isagoo ka soo dhexmuuqday saddexda difaac ee Chelsea.

Heshiiska cusub ayaa xiddiga xulka qaranka Denmark ku sii hayn doona garoonka Stamford Bridge illaa sanadka 2022, kaddib markii ay Blues la soo saxiixatay sanadkii 2012-kii.

waxaan dareemayaa wanaag maadaama aan saxiixay heshiiskan cusub, anigu hadda aad ayaan u faraxsanahay inay mustaqbalkeyga go’aamiso kooxda Chelsea” ayuu Christensen u sheegay Website-ka rasmiga ah ee kooxda.

Waxaan ciyaaray kulamo badan, anigu aad baan ugu raaxaysanayaa kooxda wax waliba waxa ay u shaqeynayaan si wanaagsan.”

Christensen ayaa wadar ahaan 25 kulan u saftay kooxda koowaad ee Chelsea tan iyo markii uu kaga soo biiray dalka Danish ee Brondby shan sanadood iyo bar ka hor

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close