Antoine Griezmann oo ka hadlay baadi goobka Arsenal ay ugu jirto

Laacib.so Gool dhaliyaha naadiga Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa shaaciyey in uusan meel uga socon gigada Vicente Calderón

Xidigaani ayaa hadalhaye in uu usoo hayaami karo horiyaalk England iyo naadiga Arsenal,balse iminka waa uu kasoo horjeestay sheekadaa oo idil.

Wiilkaas reer France ayaa haatan ka sheegay wargeyska Gazzetta dello Sport ” mar waliba si cad ayaan u sheegaa halka uu yahay mustaqbalkeyga”.

” Iguma jro qorshe ah in aan ka huleelo Atletico , halkaan ayaan sii joogayaa, waxaan rajeynayaa in Atletico xilli ciyareedkaan kula guuleysto horyaalka La Ligaha” ayuu sii raaciyay Antoine Griezmann

Atletico ayaa kuankeedii ugu horeeyay horyaalka xilli ciyaareedkaan waxa ay ku bilaabeen bar bar dhac ay la galeen kooxda Alaves

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close