Antoine Griezmann Oo Sheegay Kooxda Uu Jecelyahay Inuu Ku Biiro Qaab Ciyaareedkeeda,Sidee?

Antoine Griezmann ayaa mar kale waxaa wax lagu weydiiyay mustaqbalkiisa. Laakiin weeraryahaanka Atletico Madrid ayaa wali raadinaaya koox kudhisan qoraxda nolosha. Atletico Madrid wiilka weerarka ugu ciyaara Griezmann ayaa sheegay inaan loo baahneen isbadal. Asigoo ku faraxsan nolosha caasimada Spain ee Madrid.

Xidiga reer France ayaa wali lala xariirinayaa inuu u dhaqaaqo Manchester United. Iyadoo wararka ka imaanaaya dalka Ingiriiska ay sheegayaan in labada kooxood ay wada gareen heshiis.  Griezmann ayaa qudhiisa carabka ku adkeeyay inuusan dooneynin inuu katago Atletico. Inkastoo uu qirtay isbuucaan inuu isku dayi doono inuu ku biiro kooxaha ay xifaaltamaan. Sida. Real Madrid. Barcelona ama Bayern Munich.

26-sano jirkaan ayaa mar kale cadeeyay inuu dhaqaaqo sanadka soo aadan ineesan kujirin maskaxdiida. asigoo u sheegay Telefoot: ” Waa qorax Madrid, Waxaan ku dareemayaan wanaagsan halkaas. Looma baahno is badal.

Sikasta Griezmann ayaa dhaliyay gool rigooro ah iyadoo xulka France ay 3:1 ugu awood sheegatay Lexembourg kulan ka tirsanaa isreeb reebka koobka aduunkaas kaas oo ay ciyaareyn maalintii sabtida.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close