Antonio Conte ayaa ammaanay qaab ciyaareed fiican ay soo bandhigtay kooxdiisa Chelse+Sawirro

Macalinka kooxda kubada cagta ee Chelsea Antonio Conte ayaa ammaanay kooxdiisa ka dib markii ay 6-0 uga badiyeen Qarabag FK kulankii Champions League ee xaley.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa garoonkeeda ku soo dhaweysay kooxda reer Azerbaijan ka dib markii ay dib ugu soo laabteen tartanka kooxaha qaarada yurub ee Champions League sanad kadib.

“Waxa ay aheyd natiijo fiican, waxaan ku bilaabanay Champions League sida saxda ah, waxaan arkay wax weyn oo diirada saaran, diirada saarey iyo xoojinta bilowga ciyaarta, waxa ay aheyd wax ka fiican ciyaartoyda” ayuu Conte u sheegay Sky Sport.
”Chelsea ayaa haatan badisay afartii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan si ay uga soo kabsadaan guuldaradii ka soo gaartay maalintii furitaanka xilli ciyaareedkan.

 

 

 

 

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close