Antonio Conte oo doonaya in uu soo qaato daafac uu lacag la,aan ku helayo

Laacib.so Tababaraha naadig Chelsea Antonio Conte ayaa la soo sheegaya inuu qorsheenayo inuu lasoo wareego daafaca beeca xorta ah lagu heli karo ee Martin Caceres.

29 sanno jirkaan ayaa la aaminsan yahay inuu sidoo kale soo jiitay dareenka kooxaha AC Milan iyo Inter Milan, kooxdii heshiis la meeldhigta ayaana beeca xorta ah kula soo wareegi karta ka dib markii uu ka tegay Juventus dhammaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Caceres ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah oo jilibka ah bishii February 2016kii, laakiin wixii intaas ka dambeeyey wuxuu dib u helay taam ahaanshiyo buuxda, shabakadda Calciomercato.com ayaana ku warameysa inuu tababare Conte doonayo inuu lasoo saxiixdo daafacaan boosaska badan ka ciyaari kara ee uu kala soo shaqeeyey Juventus.

Daafaca heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa 23 kulan u saftay kooxda koowaad ee Juventus labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, laakiin shan horyaal oo Serie A ah iyo laba Coppa Italia ayuu ku guuleystay intii uu joogay Turin

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close