Antonio Conte oo xiddigo hallis ah usoo iibinaya Chelsea

Macallinka xulka  Talyaaniga ayaa damacsan in Chelsea uu ka dhigo naadi awoodeeda ay xoogan tahay isagoo u soo iibinaya xiddigo wax tar leh.

Tababarahan ayaa ah shaqsiga la aaminsan yahay in uu qaban doono shaqada Chelsea waxa uuna soo iibin doono xiddigaha Roma, Radja Nainggolan iyo Miralem Pjanic iyo weeraryahanka PSG Edinson Cavani.

Macallinka aaminsan kubaddaha dagaalka ayaa doonayo in uu horay usoo wato ciyaaryahanno kubaddoodu si weyn loogu riyaaqay oo ugu horeeyo dagalyahanka Roma Radja Nainggolan.

Sikastaba Antonio Conte ayaa diyaar u ah in Chelsea uu u saxiixo heshiis saddex sanno ah waxaana maamulka iyo taageerayaasha Chelsea ay aaminsan yihiin in macallinkaan uu yahay nin ku haboon shaqada Stamford Bridge.

Related Articles

3 thoughts on “Antonio Conte oo xiddigo hallis ah usoo iibinaya Chelsea”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close