AQRISO: Xanta Suuqa Iyo Wargeysyada Wax Yaabaha Ay Qoreen Saaka

Naadiga Atletico Madrid laacibka weerarka kaga ciyaara ee Antoine Griezmann, 26, ayaa heshiis shaqsiyadeed la gaaray oo shan sanadood ah kooxda Manchester United waxaana uu qaadan doonaa isbuucii £280,000. (Sun)

Bayern Munichayaa wadad xaajood kula jirta 28-jirka Arsenal weerarka kaga ciyaara ee Alexis Sanchez,waxaana uu xitaa wadaa sidii uugu dhaqaaqi lahaa kooxda wiilkan dalka Chile. (Daily Mirror)

Manchester United ayaa £72m ku raadisay Kylian Mbappe waana lagu soo diiday markii Monaco ay sheegtay inay rabto £100m inay ku hesho 18-jirkaan weerarka.(Guardian)

Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuu doonaayo Mbappe’s saxiixiisa si uu u keeno xagaaga soo aadan naadiga Arsenal.(Metro)

Isku dayo labo mar ah oo fashilmay, Barcelona ayaa diyaar u ah inay qaado haddana bandhig ay £51m ku bixineeso si ay usoo qadato saxiixa Liverpool’ qadkeeda dhexe Philippe Coutinho. (Transfermarketweb)

Manchester City ayaa ka cabsaneesa in weerar yahan Sergio Aguero, 28, inuu maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan dhaawan soo gaaray ciyaartii  Middlesbrough. (Daily Star)

Weerar yahan Olivier Giroud, 30, ayaa go’aansan doona mustaqbalkiisa kooxda Arsenal hadii uu kooxda sii wadayo macalin  Arsene Wenger iyo haduu baxo . (Talksport)

Manchester City ayaa aad u xiiseeneysa saxiixa daafaca bidix  Luke Shaw, 21, hadii uu go’aansado inuu ka dhaqaaqo Manchester United xagaaga soo aadan . (Manchester Evening News)

Liverpool iyo Chelsea ayaa diyaar u ah inay hadda dalab u diraan daafac dambeedka Ryan Bertrand, 27, kadib markii uu Southampton uu u sheegay inuu baxayo .(Daily Mirror)

Barcelona ayaa la xiriirtay macalinkii hore Paris St-Germain ee Laurent Blanc si uu u badalo shaqada Luis Enrique, kaasoo kooxda isaga tagi doona dhamaadka xagaaga. (Catalunya Radio, via AS)

Paris St-Germain ayaa aad loola xiriirinayaa macalinkii hore Manchester City iyo Inter Milan ee Roberto Mancini si uu badal ugu noqdo macalin Unai Emery, kaasoo tagi doona xagaaga socda. (Don Balon, in Spanish)

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close