ARGAGAX: Neymar oo xayiraad looga soo rogay hanti uu kulahaa Brazil waana mid dhan £34.5 million

Brazilian court freezes Neymar's assets - including yacht and jet

Weeraryahanka Barcelona Neymar Jr oo xayirad looga soo rogay hanti uu kulahaa dalkiisa Brazil.

24 sanno jirkaan oo wajahaya in lagu soo eedeyay in uu qiyaano ku sameeyay bixinta canshuuraha sanadi 2011-2013, balse waa mid iska fogeeyay in uu sameeyay wax xad gudub ku ah waaxda canshuuraha dalkaas.

Maxkamada Ferederal-ka ee kutaal magalada Sao Paulo ayaa xayiraad kusoo rogtay hanti dhan £34.5 million, sikastaba ha ahaatee, waxana kamid ah doonta raaxada ee loo yaqaan Yacht, Dayuurad yar oo ah kuwa shaqsiga loo isticmaalo iyo 3 shirkad ay leeyihiin qoyskiisa kuwaasoo dhamaan uu saameeysay xayiradan.

Amarad ayaa ah kuwa lagu soo rogay Neymar, kaasoo lagu soo eedeyay in uu qiyaano ku sameeyay bixinta canshuuraha, taasoo la micnaha in uu bixiyey inka yar inta laga rabay, waana mid hada laga raba £11 million – hadii uu bixiyana waxaa laga qaadi doonaa xayiraada lag saaray hantidiisa.

“Weli waa mid racfaan ka qaadan kara goaanka maxkamada, balse hanoqda mid horay usocda,” Sidaa waxaa sheegay Iagaro Jung Martins oo ah wakiilka waaxda casnhuuraha. “Hadii uu bixiya waxa laga rabo dacwadan waa mid xirmeysa.”Kuwa sharciga noo qaabilsan maahan kuwa adag oo ku degdegaya goaanka.”

Neymar ayaa sidoo kale lagu  soo eedeyay isdaba marin iyo ka been sheegid lacagihi looga soo iibsaday Santos sanadi 2013-kii maarkaasoo uu kusoo biiray Barcelona, waana mid ilaa iyo haatan dacwadiisa ka socota maxkamad kutaal caasimada Spain.

Related Articles

2 thoughts on “ARGAGAX: Neymar oo xayiraad looga soo rogay hanti uu kulahaa Brazil waana mid dhan £34.5 million”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close