Aritz Aduriz oo raali gelin ka bixiyey qaladki uu ka galay Xiddig katirsan Barcelona

I wish Neymar had a different attitude, says Aduriz

Weeraryahanka kooxda Athletic Bilbao Aritz Aduriz ayaa raali galiyey Neymar kadib markii uu uga istaagay ciribta danbe ee lugtiisa weeraryahanka Barcelona, lakin waxa uu sheegay inuu rajeynayo in uu yeesho dabeecado kala  kaduwan.

Aduriz ayaa si qiyaano leh ugu istaagay lugta xiddigan,kadib markii u ka dulqaaday kubad uuna isku dayey in uu dhinac kamaro balse meysan dhicin oo socodkiisa ayaa lahakiyey weeraryahankan.

Neymar oo kamid ahaa xiddigihi ay isku dhaca ka bilawdeen xagagi tagay  kulanki ahaa finalka Copa del Rey.

“Neymar waa xiddig caalami ah,balse mararka qaar waxan urajeynaa in uu yeesho dabciyo kala duwan,” Aduriz ayaa sidaa usheegay Movistar+. “Waan ka raali geliyey Neymar sababtoo ah waxan taabtay lugtiisa waxyar.

“Ujeedkeyga ma aheyn in aan dhibaato ugeysto Neymar, waxyabahaasa waa kuwa ka dhaca garoonka dhexdiisa.”

Labada ciyaaryahan oo ah kuwa soo wada taabtay shabaqa kulan kusoo idlaaday 1-2 oo ay guushu ku raacday Barcelona, kaasoo katirsan Copa del Rey lugtiisi kowaad, halka lugta labad lagu ciyaari doona Camp Nou 27 january.

 

Related Articles

8 thoughts on “Aritz Aduriz oo raali gelin ka bixiyey qaladki uu ka galay Xiddig katirsan Barcelona”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close