Arsenal Oo Diiday Inay City Ka Iibiso Alexis Sanchez,Sabab?

Naadiga kubadda cagta ee Arsenal ayaa dalab aad u sareeya ku celisay kooxda Man City oo ka doonaysa adeega weeraryahanka xulka qaranka Chile ee Alexis Sanchez sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxaya.

Weeraryahankii hore ee kooxda Barcelona ayaa si xoogan loola xiriirinayaa in uu xagaaga isaga tagi doono kooxda Arsenal xilli ay xiiso u qabaan kooxo badan oo reer yurub ah.

Wargayska Express ayaa sheegaya in kooxda Man City dalab Rasmi ah oo dhan 55 Milyan ula timid kooxda Arsenal xilli ay waji gabax kala kulantay Arsenal.

Mustaqbalka xiddigan reer chile ayaa mugdi kalay kadib xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay kooxda Arsenal soo bandhigtay isaga oo dhawaan sheegay in uu doonayo koox u tartanta hanashada koobabka.

Gunners ayaa la sheegayaa in ayna diyaar u ahayn in xiddigan fasaxdo xagaaga dambe iyada oo doonaysa in ay xiddigan kooxda ku sii hayso xilli ciyaareedka dambe.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close