Arsenal Oo Kaga Hormareysa Chelsea iyo Tottenham Saxiixa Ross Barkley

Naadiga kubadda cagta Arsenal ayaa ku biirtay kooxaha raacdada ugu jira saxiixa laacibka xulka England iyo kooxda Everton ee booska dhexe Ross Barkley haddiiba ay suuragal tahay in kooxdiisu iska iibiso dhammaadka xagaagan. Toffees tababaraheeda Ronald Koeman ayaa sheegay toddobaadkii hore in 22-jirkan ay ku qalqaalineyso kooxdiisu sidii uu heshiiska ugu kordhin lahaa, balse haddii uu qandaraas kordhinta diido waxaa loo sheegay in la iibin doono.

Barkley – ayaa lagu soo daray safka England waxaana u yeeray macallin Gareth Southgate Khamiistii, xilli safka xulkiisa ee wajahaya bishan Germany iyo Lithuania uu ka mid noqon doono – waxaase hadda ka harsan qandaraaska uu kooxdiisa kula joogo 1 xagaay. Waxaa lagu wadaa hadda in heshiiska laga kordhin doono, waxaase diiwaankooda lagu arkay kooxaha Tottenham iyo kooxda la filayo in ay horyaalka hanato ee Chelsea oo sheegaya in ay doonayaan saxiixiisa.

Waxay kooxda Arsenal sheegeysaa hadda in ay iyadu uga dhowdahay kooxaha ay kula xifaaltanto magaalada London, saxiixa Barkley oo leh awood Khad dhexe oo aad u wanaagsan, sidaas awgeed kooxdii qaadataba wuxuu u noqon doonaa saxiix weyn. Everton ayaa u oggolaan doonta isaga in uu sanadkan iib noqdo, haddii kale waxaa laga siisan doonaa wax ka yar £10milyan ama bilaash ayuu uga tegi doonaa haddii uusanba bilaash uga dhaqaaqin, waxay doonayaan in ay heshiiska ka badiyaan haddii kale marka heshiiskiisu dhammaado wuxuu ku baxayaa Xor.

Si kasta Barkley iyo Koeman ayaa leh xiriir aan fududeyn, xilli tababaraha reer Dutch uu rumeysanyahay in laacibkan uu yahay mid muhiimad u leh kooxda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close