Arsenal oo kula biirtay Man United doonista Perisic

Arsenal iyo ayaa kula biiray Manchester United xiiseynta laacibka Ivan Perisic doonista loogu jira iibshada weraryahanka inter milan.

Perisic ayaa la filayaa in Premier League naadiyasha ka dhisan uu middood ku biiro waxaana uu jecelyahay in uu mar tago England.

Arsenal ayaa waxay wajaheysaa dhibaato suuragal ka dhigeysa in uu ka tago Alexis Sanchez waxaana laacibkaas uu aadi karaa middood Manchester City, Chelsea iyo Paris Saint-Germain kooxda Arsenal ayaa waxay marka ku qasbanaatay in ay suuqa gasho.
Dhanka kale Chelsea ayaa indhaha la raaceysa laacibka Perisic iyo bandhiggiisa, halka Inter ay ugu yaraan laacibkeeda ku bixin karto Qiimo dhan €35 ilaa 40 milyan.

macalinka jose Mourinho waxaa uu taageere weyn u hayaa Croatia wiilka u dhashay United ayaana qeyb ka ah naadiga doonaya in xagaaga dambe ay ciyaaraan Champions League haddiise kooxdu ku hungowdo arrinkaas, weeraryahankan ayaa diidi doona Old Trafford.

Ivan Perisic waxaa uu la dhacsanyahay usoo dhaqaaqistiisii Inter waxaase xagaagu ku xumaaday horyaalka Serie A, oo hadda ay 14 ka hooseeyan booska loogu soo baxo Champions League xilli 6 kulan ay harsantahay Serie A .

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close