Arsenal Oo Labo Sanno Ka Hor Lasoo Saxiixan Rabtay Labo Xiddig Oo Hadda Magac Sameysay

Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal, islamarkaana ka dheesha Horyaalka Dalkaas Ingiriiska, ayaa waxa ay lasoo wareegi rabtay labo xiddigood, kuwaa oo haatan magac sameeyay, waxaana ay hadalkaas yirri Tababare Arsene Wenger.

Sida ay baahisay Majaladda The Sun, ee kasoo baxday isla Wadanka Ingiriiska, ayaa waxaa Naadiga aan heerka fiicneyn, kaga jirta kala sareynta Horyaalka England, ay lasoo wareegi rabtay Xiddigaha N’Golo Kante iyo Thomas Lemar.

Labadaan Laacib, ayaa waxa ay haatan ukala dheelaan Kooxaha Monaco iyo Chelsea, waxaana uu Tababare Arsene Wenger, in ay kula soo saxiixan lahaayeen £12.6m, waxaana ay muujineysaa in Arsenal ay ku fashilantay lasoo wareegida Xiddigahaan.

Sikastaba, Hogaamiyaha Arsenal Arsene Wenger ayaa sidaan oo kale dhowr jeer usheegay in kooxdiisu lasoo wareegi rabtay xiddigo dhowr ah, balse uu shaaca ka qaaday in ay ku fashilmeen, waxaana a marag madoon utahay, Liidashada Waaxda Suuqa geynta ee Gunners.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close