Arsenal oo markale jaanis u heli karta in ay dalb ka gudbiso Alexandre Lacazette

Laacib.so Tababare Arsène Wenger ayaa dantu waxa ay bideysa in uu dib ugu laabto suuqa kala iibsiga maadama guul daro lama iloobaan ah uu kala kulmay dhigiisa Klop kulan ka tirsnaa horiyaalka England bilawgiisa.

Arsenal ayaa u muuqata mid si aad ah uga liidata dhanka weerarka waxayna u badan tahay in mar kale ay dalab ka gudbiyaan dhaliyaha kooxda Lyon Alexandre Lacazette.

Dhaliyahan reer France ayaa soo bandhigay kulankii xalay ay kooxdiisa la ciyaartay dhigeeda Nancy bandhig aad u wanaagsan kadib markii uu ka dhaliyay 3 gool, waxayna tani sii dar dar galin doontaa xiisaha uu Macalin Arsène Wenger u qabo saxiixa Alexandre Lacazette.

Kooxda ree France ee Lyon ayaa waxay kasoo diiday dhigeeda Arsenal dhowr dalabyo ay ka soo gudbiyeen 25 jir koodan, balse markan Alexandre Lacazette ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in wali Arsenal ay heysato fursadii ay ku heli lahayd saxiixiisa

“Suuqa Wali Waa Mid Furan, Arsenal Waxay Heysataa Fursadii ay Markale dalab u soo bandhigi lahayd kooxda Lyon, Mararka qaar waxaa jira dalabyo qaar aan dib loo celin Karin.

Related Articles

5 thoughts on “Arsenal oo markale jaanis u heli karta in ay dalb ka gudbiso Alexandre Lacazette”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close