Arsenal Oo Udhaqaaqeysa Soo Xero Gelinta Xiddig Sarre Oo Ka Tirsan Barcelona

Kooxda Kubadda Arsenal ayaa waxa ay isku diyaarineysaa inay lacago waali ah kusoo qaadato Laacibka Khadka Dhexe ee Kooxda Barcelona ee Arda Turan, sida laga soo xigtay Shabakadda AMK oo kasoo baxda Turkiga.

Arda ayaa waxaa uusan kamid aheyn shaxda kooxda Barcelona tan iyo markii uu kaga soo biiray Kooxda Atletico Madrid sanadkii 2015-kii, waxaana Shabakadda AMK, ay baahineysaa in Wakiilkiis uu kala hadlay Mustaqbalkiisa.

Sidoo kale, Wakiilka Arda, ninka lagu magacaabo Ahmet Bulut in Kubad sameeyahaan uusan kamid aheyn qorshaha xagaaga dambe ee kooxda Barcelona iyo Macalinkeeda.

Bulut, ayaa sheegay inuu la kulmay kooxo ay kamid tahay Milan, uuna kala hadlay Suura galnimadda inuu usoo dhaqaaqo kooxdiisa, waxaase uu daboolka ka qaaday in Xiisihiisa ay hogaamineyso Arsenal.

30-sano jirkaan ayaa la rumyesan yahay in Gunners ay udiyaarisay aduun lacageed dhan €30m (£26.3m), kaas oo ay diyaar la tahay inay kusoo qaadato xiddigaan udhashay wadanka Turkiga.

Image result for Arda Turan

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close