Astaanta naadiga lagu neenaaso Sky Blue oo si aan ula kac aheyn loosoo bandhigay kahor Ciida Chrismas-ka

1

Astaanta cusub ee Manchester City ayaa waxa si kama ah u baahisay xafiiska diwaangelinta xuquuqda lahaanshaha ee Intellectual Property Office (IPO).

City ayaa si rasmi ah u soo bandhigi doonta astaanteeda cusub maalinta Boxing Day si kastaba IPO ayaa si kama ah u baahisay astaanta cusub ee Man City iyagoo soo geliyay waqtiga ay City diiwaangelisay lahaanshaha xuquuqda astaantaan.

City ayaa talo weydiisatay bishii December taageerayaasheeda oo ku aadan inay bedelaan astaantooda, waxaana taageerayaal badan ay dalbadeen in lagu laabto astaantii hore oo aheyd mid goobaabin ka sameysan islamarkaana calaamada markabka Mancunian uu ka dhex muuqdo iyo ubaxa guduudan ee Lancashire.

Inkastoo aysan weli Man City xaqiijinin in astaantaan ay noqon doonto midooda cusub, hadana waxaa la filayaa inay maalinta Boxing Day ee 26-ka December ay si rasmi ah u baahin doonaan astaantooda cusub oo la filayo inay midaan noqoto.

Related Articles

3 thoughts on “Astaanta naadiga lagu neenaaso Sky Blue oo si aan ula kac aheyn loosoo bandhigay kahor Ciida Chrismas-ka”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close