Atletico Madrid Oo Fariin Jaceyl Ah U Dirtay Weerar Yahanka Chelsea Ee…

Madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa qirtay in kooxda ay jeclaan laheyd inay hesho Weeraryahanka Chelsea Diego Costa islamrkaana uu kusoo laabto kooxda ka dhisan Spain.

28-sano jirkaanayaa ka tagay Atletico isagoo ku biiray Blues markaas oo ay ku iibsatay aduun gaaraya £32m gaar ahaan sanadkii 2014,waxaana hadda lala xiriirinayay inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore oo xagaagii lasoo dhaafay, xiiseeneesay, laakiin suuqa kala iibsiga ayaa ku xirmay iyadoo ah ku guuldareysatay inay dib u hesho.

Costa ayaa lagu xamanayaa in ka fiirsaneyo inuu ku biiro macaashka Chinese Super League bisha lasoo dhaafayJanuary, inkastoo weeraryahanka uu iska joogay Stmford Bridge, warbaahinta qaar ka mid ah ayaa daabacay in xagaaga soo aadan uu yahay mid kaaraar ku bixi doona.

Cerezo, in kastoo, aan aaminsan in Chelsea ay ilaashan karto laacibaan heerka caalami ee dalka Brazil u dhashay laakiin qaatay dhalashada dalka  Spain si uusan u hamin ciyaaraha Bariga Fog, ayaa dhanka kale waxaa cadaadis ku ahay xataa Atletico oo u baahan inuu dib ugu soo laabto wiilkan.

“Waxa uu ahaan doonaa halkaan tan iyo markii uu isaga tago. Isagu waxa uu joogaa koox weyn,” ayuu Cerezo u sheegay idaacad Isbaanishka ah. Waxaa uu sidoo kale canantay saxaafadda oo uu ku sheegay in Chelsea ay ogolaan doonin inuu ka tago.

Weeraryahanka ayaa haatan ah ninka ugu goolasha labaad ee uguna sareeya horyaalka Premier League ,isagoo leh 15 gool, isagoo hal ugu faanaya Romelu Lukaku oo hadda heysta Everton.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close