Baaqashada Tartanka Maamul goboleedyada dalka oo keentay in rasaas lagu furo goolhayaha jubbaland’ dhaawac mise dhimasho

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in goolhayihii Xulka jubbaland Caatole uu soo gaaray dhaawac dhanka gacanta, taas oo caqabad ku noqon karta Xulka jubbaland.
Goolhayihii Xulka Jubbland Caatole ayaa Lagu dhaawacay Xereda ay ku jiraan Cayaartoyda Xulka jubbaland oo dhawaan lagu xareyey, ku waas oo isku diyaarinaya ka qayb galka Ciyaaraha Maamul goboleedyada dalka oo dhawaan la filayay in uu ka furmo xarunta Maamulka jubbaland.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Macalimiinta Xulka jubbaland goolhaye Caatole oo ahaa goolhayaha Koowaad ee Xulka jubbaland ayaa mid ka mid ah ilaalada Xarunta Ciyaartoyda ee Xulkaas Rasaas ku furay Goolhayaha, kaddib markii ay murmeen taas oo keentay in ay rasaastu ka haleesho gacantiisa bidix.

Tan iyo bishii August, Xiddigaha Xulka jubbaland ayaa lagu xareeyay xarun ay maamulka isboortiga iyo wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga ay ku xareeyeen si ay ugu diyaar garoobaan ka qayb galka Koobka Maamulada.

Goboleedyada dalka, hase ahaatee markii uu baaqday waqtigii loogu talo galay in uu qabsoomo tartankaas oo ahayd 20-ka bishan ayaa timid in Ciyaartoyda ay iska baxaan madaama Xaruntu aysan markii hore lahayn ilaalo badan.

Si kastaba ha ahaatee’ Macalimiinta Xulka jubbaland ayaa maamulka ka codsaday in la xoojiyo ilaalada xerdaas, si Cayaaryahanada aysan u badanin bixitaankooda, hase yeeshee goolhaye Caatoole ayaa iska indho tiray amarkii ilaalada Xereda, taas oo keentay in Habeennimadii xalay uu dhawaac rasaas ah gacantiisa bidix ay haleesho, wallow hada la sheegayo in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan, kaddib markii qaliin looga sameeyay mid ka mid ah isbitaalada Magaalada Kismaayo.

 

 

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close