Bale Miyuu Ka Tagi Doonaa Real Hadii Uu Baxo Ronaldo? Wakiilkiisa Ayaa Si Aan Filayn Uga Jawaabay

Jonathan Barnett, oo ah Wakiilka laacibkaan heerka caalami ee dalka Wales, kaasoo wareysi siiyay Wargeyska Tuttosport, ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in xidigaan uusan ku xirneen mustaqbalkiisa Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu qorsheenayo ka tegista Real Madrid, islamarkaana uu yahay mid aanan ku qanacsaneen, maadaama mushaarka uu qaato uu yahay mid ka badan kan uu qaato Lionel Messi.

Barnett, ayaa geesta kale, daboolka ka qaaday in Bale, uu uqalmo in lagu iibsado qiimo lacageed dhan 222 Milyan oo Yuuroo, taasoo kol hore ay PSG uga iibsatay dhigeeda Barcelona ciyaaryahankeeda Neymar Jr.

Image result for bale and ronaldo

“Wuxuu uqalmaa ugu yaraan isaga 222 Milyan sida Neymar,” ayuu u sharaxay Jonathan Barnett, oo la hadlay Wargeyska Tuttosport.

Mar la weydiiyay inuu Bale uu bixi doono hadii Ronaldo, uu ka tago Madrid, ayuu yiri: “Gareth uma baahna Cristiano Ronaldo, inuu baxo, Bale had iyo goor ee ciyaaryahan Real Madrid ah.

Sikastaba, Bale ayaa Real Madrid wuxuu uga soo biiray Tottenham sanadkii 2013 markaasoo Estadio Santiago Bernabeu, lagu keenay qiimo lacageed dhan 100 Milyan oo Yuuroo, isagoona tan iyo xiligaas la gaaray guulo waa weyn Los Blancos.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close