Banaadir Sports Club Oo Afka Ciida U Dartay Kooxda Waxool.

Kullan xiiso badan ayaa galabta ka dhacay Garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis, taa uu u dhaxeysay kooxaha Waxool iyo Banadir,ciyaartan ayaa qeyb ka aheyd Horyaalka Somali Premier League fasal ciyaareedka 2017-18.

Kooxda Banadir Sports Club ayaa ku bar baratay kadib markii ay 4-1 ugu awood sheegatay kooxda kubadda cagta Waxool.

Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 3-1, C/shakuur Qaliif ayaa goolka koowaad ugu daah furay naadiga Banaadir, Waxaa raacsaday Qeys oo gool qurux badan dhaliyay waxaana goolka saddexaad qeybta hore ku soo xiray xiddiga Ajanbiga ee muddada u ciyaarayay kooxda Banadir ee Marcelo, halka kooxda Waxool goolka madiga ah u dhaliyay xidigeeda Daafaca ugu ciyaara ee Axmed Lambard, sidaas ayaa lagu kala maray dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay kooxda Banadir ayaa sii wadatay dheesha iyado dhan walbo u weerareysay kooxda Waxool.

Bandhiga Goolasha waxaa u soo afjaray Wiilasha Banadir xidigeeda Cabdiqaadir Aadan Eenow(Bentika) sidaas ayee ciyaarta ku dhamaatay 4-1 ay guusha ku raacday Banadir Sports Club.

Kooxda Waxool waxaa Roose ka qaatay xidigeeda Daafaca ugu ciyaare ee Axmed Lambard.

Guusha ayaa ka dhigan in Banaadir ay gaartay guusheedii ugu horreysay ee Horyaalka Somalia Premier League maadaama labadii kulan ay horey u soo ciyaartay midna laga adkaaday midna ay bar baro gashay.

W/Q:Cabdi fitaax nani

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close