Banaadir Sports Club Oo Nus Darsan Goolal ah Ugu Awood Sheegatay kooxda Elman

Kooxda Banadir Sports Club ayaa ku bar baratay Naadiga Elman kadib markii ay 6-2 ugu awood sheegatay kulan ciyaareed galabta ka dhacay Garoonka Banadir Ee Degmada Cabdicasiis, kaa uu qeyb ka Horyaalka Somali Premier League.

Qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku horkaceyso kooxda Banadir waxaana labada gool u dhaliyay xidigaha kala ah Cabdiqaadir Aadan Eenow(Bentika) Iyo Xasan Santos sidaas ayaa lagu kala maray dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ee ciyaarta labada kooxod ayaa wada tashi dheerad ah soo sameyay iyago dar dar xoogan garoonka ku soo galeyn balse Elman ayaa la is dhahaayay goolasha labada lagu leeyahay wey iska soo gudi doonta taa ma dhicin ciyaarto wax yar socota waxaa laga dhaliyay goolkii 3-aad waxaana ka dhaliyay Cabdiqaadir Aadan Eenow(Bentika) kaa oo labo gool kulanka ku lug lahaa.

Elman oo jahwareersan hadaba dabeesha meel u tuureyso ayaa goolkii afaarad waxaa ka dhaliyay xidiga Cusbo kaa uu daafaca ugu ciyaaro kooxda Banadir.

Wiilasha Elman ayaa heleyn gool waxaana u dhaliyay Maxamed Nuur Cusmaan balse goolkas ma aheyn mid niyada taageerayasha dib ugu soo celin karta waxaa laga dhaliyay goolkii 5-aad waxaa shabaqada ku shubay xidiga Marcelo kaa uu badal ku yimid,ciyaarta ayuu ka dhigay 5-1 ay ku hogaamineyso kooxda Banadir.

Maxamed Nuur Cusmaan ayaa goolka kale u dhaliyay kooxdiisa Elman ciyaarta ayuu ka dhigay 5-2.

Hore Soomaali waxey u tire nin dabeel heeso dab ayaa lagu dara ha darsadii Banadir ayaa dhalisay goolkii 6-aad ee Ciyaarta waxaana shabaqada markale soo taabtay Xasan Santos kaa uu galabta bandhig wanaagsan soo bandhigay.

Ugu dambeyntii Kullankii u dhaxeyay Elman iyo Banadir ayaa ku soo dhamaaday 6-2 ay guusha ku raacday.

W/Q:cabdifitaax nani

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close