Banadir Sports Club vs Dekadda FC: Rikoorkii Banadir Sports Club oo la jebiyay !!

Laacib.so : Galabta waxaa cayaar wanaag la baray kooxda Banadir Sports Club oo sanadyadaanba laga badinin balse galabta oo Khamiis ah ayaa cashir lama iloobaan ah u dhigtay naadiga

Dekadaha FC oo ay wada ciyaareen galabta waxaana ciyaartii galabta qeybteedii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 ay lahayd naadiga Dekadda FC oo u suurta geliyay Ciyaaryahankooda Qubaaye ninka lagu naaneeso ayaa ka farxiyay Daqiiqadii 42-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta.

Kadib markii wadatashi badan la soo sameyey labada koox wexey sameeysay iskuday badan naadiga Banadir Sports Club oo rabay in ay goolka lagu leeyahay iska bareejeeyaan balse uma aysan suurtagalin waxaana ciyaarta daqiiqadihii ugu dambeeyey ku soo idlaatay 0-1 oo ay ku badisay naadiga Dekadaha FC oo galabta Guul lama ilaawaan ah ka gaartay Naadiga banadir sports club oo guuldaro la dhadhansiiyay maanta, waxaana sidaasi ay dekadaha ku gashay Kaalinta 4-aad ina y soo galaan waxeyna leeyihiin 13-Dhibcood iyo Goolal gaaraya 7-Gool ay kooxda leedahay.

OFF Unbeaten Banadir Sports Club for Dekadda-FC

Naadiga Banadir Sports Club ayaa wax dhaqaaq ah sameeynin inkastoo Hogaanka ku haayaan 17-Dhibcood waxaa arintaan ku noqoneeysaa Caqabad weyn, waxaana ku filan in markale laga badiyo si ay usoo dhawaadaan kooxaha la tartamaayo ee Elman FC iyo Horseed FC oo 15-dhibcood leh.

Naadiga Dekadda ayaa galabta guusha ay gaareen waxey kaga dhigan tahay in rikoorkii ay haayeen naadiga Banadir Sports Club ay niyada ku dhisaneeysay in ay ku qaadaan Unbeaten (Aan laga badin) balse wey noqon weysay Riyadii ay rabtay mar labaad in ay ku qaado horyaalka dalkeena Soomaaliya oo ay horey Unbeaten (Aan laga Badin) ku qaadeen sanadkii 2014-2015, Hadii aan soo koobno ciyaartii galabta dhexmartay Naadiyada Dekadda FC iyo Banadir Sports Club waxaa laga calaameeyay in rikoor cusub laga jebiyay naadig Banadir Sports Club oo galabta wadada looga tagay kadib markii ciyaaryahanka lagu magacaabo QUBAAYE uu ka dhaliyay goolkii niyad jabka ahaa ee laga dhaliyay Naadiga Banadir Sports Club oo galabta iyadoo niyadeeda fiicneen garoonka ka huleeshay.

Marwalba la soco horyaalka dalkaaga Soomaaliya kalana soco LAACIB.SO 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close