BANDHIG: Waa Kuma Xidiga Kaliya Ee Ka Tirsan United Uu Ferguson U Golaaday Inuu Sigaar Cabo?

Sida uu sheegayo Macalinka qaranka Jarmalka ee Eckhard Krautzun, Halyeeygii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa wuxuu u ogolaaday markii ugu horeysay xidig udheela naadigaa inuu qabo sigaar ka hor kulanka.

Ferguson ayaa wuxuu baneenayay shaqada tababarnimo ee Red Devils sanado ka hor, isagoona kula guuleystay markii ugu dambeysay Horyaalka Premier League, waxaana uu ahaa maamulihii ugu fiicnaa ee soo mara Man Utd.

Krautzun, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Ferguson uu u fasaxay goolhayihii hore ee Man U, wiilka lagu magacaabo Fabien Barthez, inuu cabo sigaar ka hor kulamada uu dheelayso kooxdaan ka hor.

Manchester United Fabien Barthez Sir Alex Ferguson smoking

Wuxuu sii raaciyay hadalkiisa macalinka Germany, inuu isticmaali jiray Goolhayihii hore ee United, cabista sigaarka waqti Hurdada ama marka uu seexanayo, isagoona loo sheegi jiray inuu iska dhaafo, hadii uu kulan lee yahay.

“Sir-ka ayaa ufasaxay inuu cabo Fabien Barthez, sigaarka, waliba marka uu seexanayo ayuu cabi jiray, hadii uu ciyaar dheelayo, waxaa loo sheegi jiray inuu iska dhaafo, sababtoo ah waxay ku keeni kartaa qatar,” ayuu yiri Krautzun.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close