Barca Oo Lasoo Heli Karta Laacib Ay Qarka U Saarneed Xagaagan Ee Seri Hadi Ay Sameynto Ficilkaan

Jean Michael Seri, oo ah Laacib Khadka dhexe ka dheela islamarkaana aad u farsamo badan, wuxuu udheela Naadiga Nice, oo ka dheesha Horyaalka heerka koowaad ee dalka Faransiiska, isagoona bartilmaameed u ahaa xagaagan oo dhan Barcelona.

Xiddigaan ayaa wuxuu qarka u saarnaa inuu kusoo Biiro Barca dhawaan fashil la sheegay inuu dhanka Barca ka yimid inuu ahaa sababtii ay kula soo saxiixan weyday, waxaana suuqa kala iibsiga ee soo socda bisha Janaayo ay haysataa fursad ay kusoo saxiixato.

Wiilkaan dhalinyaradda ah ayaa wuxuu usoo dhaqaaqi doonaa hadii uu helo fursad uu ku dheelo, islamarkaana Blaugrana ay iska iibiso sida uu qorshuhu yahay Arda Turan, kaasoo aanan kala cadeen Joogitaankiisa Gobolka Catalans, ee Xagaagaga soo aadan.

Seri ayaa wuxuu ku imaan doonaa Barca hadii ay dhacdo inuu boxo Turan aduun dhan 45 Malyuun, waana qiimaha ay dooneyso Kooxdiisa, iyadoona hadii ay bixiso Naadiga ay xarunteedu tahay Comp Nou ay heli doonto aduun dhan adeega ciyaaryahankaan cajiibka ah.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close