Barca Oo Liiska Ku Darsatay Xiddigo Cusub Oo Ay Dooneyso Inay Lasoo Wareegto [Yaa Qarka U Saaran]

Camaaliqada dalka Spain, ee Barcelona, ayaa waxaa kasoo muuqday liiska xiddigaha ay dooneyso inay lasoo wareegto ka hor inta uusan xermin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda caawa xiddigo cusub, kuwaasoo la sheegayo inay diyaar utahay inay lasoos saxiixato.

Xiddigahaas ayaa waxay kala yihiin Thomas Lamer oo ka tirsan naadiga As Monaco iyo sidoo kale ciyaaryahanka Naadiga Leicester City ee Riyad Mahrez, waxana la sheegayaan in haatana ay diirada saari doonto sidii ay usoo xero gilin laheyd xiddigahaan, wallow kuwa kale ay jiraan.

Horey waxaa naadigaan si weyn loola xiriirinayay xiddigaha kala ah Coutinho, kaasoo haatan ay muuqaneyso in sheekadiisa ay tahay mid hubaal la’aan ah, Di Maria oo PSG, ka tirsan iyo Paul Dybala, oo ay kooxduba sheegtay inay heli karin sababo badan oo jira.

Xiddigahaan ay diirada saartay kooxdaan ayaa waxaa lagu waramayaa inay suurta gal ah tahay inay lasoo dhaqaaqdo Mahrez, kaasoo ay ku heli karto aduun dhan 50 Malyuun, waxaana haatan la sheegayaa inay socdaan wada hadalo udhaxeeya labadaan koooxood.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close