Barcelona iyo Bayern Munich oo soo gudbay Wareega.DAAWO GOOS GOOSKA

Laacib.so: Xalay waxaa la fiirsaday ciyaaro aad u xiiso badan, farxad iyo murugoba xambaarsanayd, kulankii ugu adkaa waxa uu dhex maray kooxaha Bayern Munich iyo Juventus oo kuwada ciyaaray garoonka Allianza Arena ee Magaalada ay ku dheesho Bayer.

Lugtii hore oo lagu soo ciyaaray garoonka Turino ee dalka Talyaaniga ayaa kusoo dhamaatay 2 – 2, iyadoo xalay halkaasi laga amba qaaday, biloowga ciyaarta ayaa waxaa hogaanka si dhaqsi leh ula wareegtay kooxda Juventus oo gool usaxixay ciyaaryahan Paul Pogba oo farxad u bilaabay.

Kooxda Juventus oo lagu yaqaano gaadmada kubadda ayaa waxay heleen fursad ay ku kala daadsanaayeen difaacyada Bayern Munich oo ku mashquulsanaa shaqo aan loo dirsan oo weerarka ah waxaana ka faa’ideystay Alvaro Morata kaasoo saaxiibkii Juan Cuadrado lugta ugaliyey goolkii labaad.

Xaalada Juventus ayaa wanaag u ahaa sidaasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore, markii la isku soo laabtay ayaa tababaraha kooxda Juventus wuxuu badal kusameeyey ciyaaryahan lafdhabar u ahaa waliba si fiican u yaqaana qiyaanooyinka germany Sami Khedira wuxuuna ahaa qaladkii ugu weynaa uusameeyey tababaraha Alergi.

Leyliyaha Juventus waxaan dhihi karaa isaga ayaa kooxdiisa guuldaro garka ugaliyey maadaama uu dhexda si fiican u maamulaayey ciyaaryahanka wuxuuna soo galiyey ciyaaryahan aan qibrad u lahayn ka ciyaarista qadka dhexe ee Juventus.

Kooxda Bayern Munich ayaa sidii daadkii ugu fatahday kooxda Juventus waxayna xajin kari waayeen weerarada geesaha kaga imaanaya waxaana durba usuuragashay in wiilka jooga dheer ee gool dhalinta ku wanaagsan waa Lewandowski inuu gool madaxa ah keeno taaso dhiiri galisay Kooxda.

Thomas Muller ayaa wuxuu soo celiyey sharaftii tababare Guardiola markii uu daqiiqadii badalu daayaca ama waqtiga dheeriga 91-aad uu goolkii barbaraha u keenay Kooxdiisa.

Kulankii ayaa guud ahaan kusoo idlaatay 2 – 2, waxaa sida caadadda ahayd lagu daray 30 daqiiqo, 15-kii daqiiqo hore Juventus waa is dhibtay oo goolkeeda waa ilaashadeen laakin markii lakala maray oo tababare Guardiola uu soo gashaday Thiago Alcantara oo u caaboonaa ciyaarta uu kubad uu si xushmad leh ugu baastay Muller isna dib loogu soo celiyey ayuu goolhaye Buffon si qurux badan daba mariyey xaalkuna wuxuu u ekaaday mid soo afjarmay, laakin Munich xaalkeeda halkaasi kuma ekeeynine Goolkale oo niyada ka dilay ayaa loogu afareeyey juventus.

Messi, Suarez iyo Neymar, ayaa xalay soo bandhigay Arsenal waa lagu baashaalay oo Neymar ayaa gool ku hormaray inta aysan sheekada Messi iyo Suarez gaarin ayaa wiilka da’da yar ee reer Arsenal Elneny gool barbaro u keenay arsenal.

Dani Alves oo xanaaq ka muuqda ayaa kubad uu baasay Luis Suarez goolkii labaad gorada u galiyey taasoo keentay in reer Arsenal iska quustaan oo niyada ka jabeen Arsenal.

DAAWO GOOS GOOSKA

Cayaarta Juventus iyo Bayer Munich

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close