Barcelona Iyo Everton Kadib Gerard Deulofeu Oo Si Buuxda Ugu Biiray Kooxda….

Suuqa kala iibsiga waxa uu si buuxda usii sara qaaday muxabada koox kastaa u heyso laacibka ay dooneyso, iyadoo markan Kooxda Milan ay si rasmi ah ula wareegtay laacibka garabka ka ciyaara una dhashay dalak Spain ee Gerard Deulofeu kaasoo uga soo biiray naadiga Everton.

Hagaha ciyaaraha kooxda Rossoneri Adriano Galliani ayaa warkan xaqiijiyay , isagoo sheegay in ay si amaah ah ula soo wareegeen.

Waxay wararku tibaaxayaan in heshiiska uu ku kacayo a €0.5m, basle ay Milan si buuxda ku qaadan karto €18m marka xilli ciyaareedka uusoo idlaado.

Sikastaba ,waxu u muuqataa in Milan aysan haysan fursad ay sibuuxda u helo karto laacibkan, kadib markii iyada oo barta ay Twitter-ka ku leedahay ku shaacisay in kaliya Heshiis amaah oo ku eg dhammaadka xilli ciyaareedkan uu heshiiska yahay.

Jariirada Sky Sport ayaa soo warinaya i lacagta amaahda ay ka dban tahay qiimaha horey loo shaaciyay ayna tahay €700,000.

Bilawga heshiiska kooxda Reer Ingiriis waxay dooneysay in ay heshiiska uu noqdo mid dhameystiran, basle Milan ayaan awoodin maadaama ay kujirto xaalad kala wareeg oo kooxda lagula wareei rabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close