Barcelona Iyo Real Madrid Oo Ku Dagaalamaya Daafac Ka Tirsan Juventus, Waa Kuma?

Naadiga kubadda cagta ee Real Madrid ayaa kusoo biirtay markaan loolanka loogu jiro saxiixa wiilka u safta kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci kaasi oo maalmahaan si aad ah looga baadi goobayo suuqa kala iibsiga.

Xidigaan ayaa bandhig cajiib ah kusoo bandhigay kulamada CHampions League ee kooxdiisa ay dheeshay waxaana mcquul ah inuu iska faarujiyo kooxdiisa. Barcelona ayaa kamid ah kooxaha aad loola xiriirnayo xidigaan waxana ay Barcelona damacsaneeyd inay daafaceeda ku xaliso.

Sidoo kale sababta ay Real Madrid xidigaan ugu soo biirtay ayaa ah inay dooneyso sidii ay ugala dagaalami lahayd kooxda Barcelona maadaama ay labada kooxood uu ka dhexeeyo dagaal xoog leh. Shabakada Spain kasoo baxda ee Don Balon ayaa ku warameysa in kooxda Real Madrid ay damacsantahay inay xidigaan ay soo qaataan si ay daafacooda ugu xoojiyaan.

29-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah sameeeyey waxaana kooxdiisa mar waliba ay ku dadaashaa sidii ay ku ceshan lahayd, waliba waxaa dagaalkaan qeeyb ka ah kooxo badan waxaana kamid ah Chelsea, Manchester City iyo qaar kamid ah koxoaha ka dhisan horyaalka Spian ee La Liga.

Si kasta Wararka waxaa ay sheegayaan in Florentino Perez oo ah Madaxweeynaha kooxda Real Madrid uu aad u xiiseyayo xidigaan maadaama uu ka helay bandhigiisa.

 

 

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close