Barcelona Oo Aan Weli Ka Quusan Saxiixa Philippe Coutinho,Una Badashay….

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay la timid qorshe ka caawin doona in ay si dhib yar ku hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool iyo qaranka Brazil ee Philippe Coutinho xilli wadahadalada u dhexeeya labada kooxood ku dhow yihiin in ay bilaabmaan.

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay maalmaha soo socda miiska u saari doonto dhigeeda Liverpool dalab Lacageed iyo waliba xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic si ay u helaan adeega saaxirka reer Brazil.

Ivan Rakitic oo xilli ciyaareedkan ku dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda Tababare Luiz Enrique ayaa dhowaan qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kala sii joogi doono kooxda Catalonia.

Liverpool oo uu xiddigan uga dhigan yahay xiddiga ugu muhiimsan kooxda sanadihii ugu dambeeyay ayaan si dhibyar ku fasixi doonin xiddigan qaab ciyaareedka fiican ku jira.

Laakiin hadii miiska loo saaro lacag dhan 30 Milyan iyo Ivan Rakitic waxa hubaal ah in Tababare Klopp soo dhowayn doono in uu heshiiskani dhoco.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close