Barcelona Oo Dab Ku Shiday Jaceylkii Manchester United Ee Christian Eriksen,Sidee?

Barcelona ayaa laga ogaanayaa inay xiiseeneyso saxiixa laacibka booska dhexe kaga ciyaara naadiga Tottenham Hotspur islamarkaana xoojiya dhanka weerarka ee lagu magacaabo Christian Eriksen iyadoo rabta inay soo xero galiso marka uu dhamaado ololaha socda ee haatan.

kooxda horyaalka dalka Spain waxay rajo ka qabtaa inay dhameystirto saxiixeeda wiilkan, iyadoo isku abaabuleysa qorshaha cusub ee kooxda hadii uu ka tago macalin Luis Enrique oo laga yaabo inuu macsalaameeyo garoonka Camp Nou, hase ahaatee  kooxda Catalan ayaa suurtagalnimada wajaheysa caqabad laga yaabo inay ku hesho laacibkaan.

Sida ay daabacday jariiradda “The Mirror, Spurs weerarkeeda Eriksen ayaa cadeenaya dhankiisa inuu yahay xiddig faraxsan, waxaana la qiimeenayaa in wiilkan uu ku haboon yahay ka garab ciyaarista Neymar, Lionel Messi iyo Luis Suarez , waxaana 25-jirkaan uu meel sare kaga jiraa dookha sanadkan ee Barcelona.

Eriksen, ayaa kusoo biiray Spurs isagoo kasoo tagay Ajax sanadkii 2013, waxaana uu shabaqa ku shubay 11-gool , waxaana uu caawiyey 18-kale dhamaan waayihiisa Premier League, waxaana wiilkan u dhashay dalka Denmark qandaraaskiisa kooxda dhamaanaya June 2020.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close