Barcelona Oo Degtey Qorshe Cajiib Ah Si Ay Usoo Xero Geliso Xidiga Atletico Ee Griezmann

Talafishinka Spanish-ka ah, ee lagu magacaabo El Larguero, ayaa wuxuu shaaciyey warbixin cusub, taasoo ku aadan in kooxda Barcelona, ay qorsheeneyso inay hesho adeega weerar yahanka Atlético Madrid ee Antoine Griezmann.

Heshiiska ay kusoo qaadaneyso Griezmann, oo aanan gaari doonin midii ay kusoo qaadatey Philippe Coutinho, ayaa waxaa la tilmamayaa inay dooneyso Barca, inay bixiso aduun dhan 100 Malyuun oo ah lacagta heshiiska lagu burburin karo.

Kadib markii ay lacago qaali ah kaga soo qaadatey Coutinho dhigeeda Liverpool, ayaa waxay Barcelona ay markaan rabtaan in Camp Nou ay ku keento Griezmann, iyadoona siineysa mushaar ku dhow kan ay qaateen Suarez iyo Messi.

Illo wareedyo ku dhow ciyaaryahanka ayaa waxay soo sheegayaan inay socdaan wada hadalo saafi ah, kuwaasoo faa’idooyin laga gaarey, islamarkaana kaliya lagu afgaran la’yahay mushaarka uu qaadan doono wiilkaan.

Waxaa la filayaa inuu ka dambeyn dhanka mushaarka labada wiil ee ugu sareysa Barcelona ee kala ah: Lionel Messi iyo Luis Suarez, waxaana ugu badnaa uu saxiixi karaa hadii uu yimaado Shan sano oo qandaraas ah.

Sikataba, Manchester United, ayaa waxay noqon kartaa mid dagaal adag kula gasha dhigeeda Barcelona, saxiixa wiilkaan, kaasoo la sheegay maanta oo Talaado inuu hordhigey aduu dhan 22 Malyuun si uu ugu biiro Old Trafford.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close