Barcelona Oo Dhigtay Rikoor Ayna Ku Haysan Koox Kale Oo Reer Yurub Ah 10-kii Sano Ee Ugu Dambeeyay

Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirisay finalka Copa del Rey kadib markii ay dhaaftay kooxda Valcencia oo ay uga badisay 2-0 lugtii 2-aad ee Semi-finalka tartanka.

Kadib Finalka Copa del Rey ee ay iska xaadirisay kooxda Barcelona ayaa gaartay finalkeedii 8-aad ee tartamada maxaliga ah waana rikoor ayna dhigin koox kale oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn yurub.

Kooxaha Bayern Munich Iyo París Saint-Germain ayaa ah kooxaha ugu soo dhaw rikoorka Barcelona kuwaas oo 5 final cup gaaray 10-kii sano ee ugu dambaysay Kooxda Borussia Dortmund ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha ugu soo dhaw iyaga oo 5 final gaaray laakiin waxa xilli cayaareedkan laga reebay koobka Germany Cup kaas oo ay Bayern Munich ka reebtay.

Qaar ka mid ah kooxaha ugu taariikhda weyn yurub oo ay ka mid yiihiin Man United,Liverpool iyo Ac Milan ayaa min hal mar gaaray final Maxali ah 10-kii sano ee ugu dambaysay

Kooxda Barcelona ayaa sidoo kale markii 5-aad oo xiriir ah gaartay finalka Copa del Rey kaas oo ah mid ay Barcelona si gaar ah u jeceshahay.

Halkan Hoose kaga bogo kooxaha ugu badan ee Finalada Maxaliga ah gaaray 10-kii Sano ee ugu dambaysay

Barcelona: 8 Final
París Saint-Germain: 5
Bayern Munich: 5
Borussia Dortmund: 5
Chelsea: 4
Juventus: 4
Lazio: 4

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close