Barcelona oo doon dooneeysa Daafaca Everton!

Laacib.so: Wararka goor dhow ay qoreen suuqa kala iibsiga ee ciyaartooyda ayaa sheegaya in John Stones ay diirada u saaran tahay kooxda Barcelona xagaagan 2016-2017, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain gaar ahaan magaalada Barcelona, Iyadoo Javier Mascherano lahadal hayo inuu ka tagayo kooxda ka dhisan Spain, kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa raadineysa bedelkiisa.

Ciyaarayahanka Daafaca Arsenal Hector Bellerin ayaa hore loo aqoonsaday inuu yahay bedel Dani Alves, iyadoo Mascherano laga yaabo inuu ku biiro kooxada Juventus, iyadoo daafaca Everton iyo England Stones bartilmaameed kale uu u yahay hadda, Warbixin gaaban oo lasoo dhigay Mundo Deportivo ayaa lagu sheegay Catalan in ay xiiso u qabaan daafaca Everton iyo England,Warbixinta ayaa sheegtay in haddii Stones inuu yahay daafac muddo dheer bartilmaameed u ahaa kooxda Barcelona FC.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close