Barcelona oo ka jawaabtay xiisaha Manchester ee Suarez

Laacib.so; Madaxweynaha kooxda Barcelona Jose Luis Bartomeu ayaa shaaca ka qaaday in Luis Suarez uusan ka tagi doonin Camp Nou inkastoo ay xiisenayso kooxda Manchester United sida wararka ay sheegayaan

Jose Mourinho ayaa lala xiririnayay in uu kusoo qaadan doono 150 million € xidiga reer Uruguay, oo ku guuleystay abaal marinta xidiga ugu goolasha badan Horyaalka Sanadkii hore

Laakiin Bartomeu ayaa qirtay in xiddiga weeraryahanka ah uusan meelna u socon waqtigan la joogo .

“waxan aqristay,amababa aan maqlay,warar sheegaya in xidigan uu baxayo,laakin Suarez isaga wuu ku faraxsan yahay Barcelona,”ayuu madaxweynaha kooxda u sheegay SKY Sports.

“waxan isku dayaynaa in heshiiska uu kula jiro kooxda barcelona aan kordhino,maadama uu ka mid yahay xidigaha mustaqbalka halkan ku hel,isaga weli wuu yar yahay,aragti badan ayaana ka qabaa oo ku aadan hamigiisa kubada cagta”

Suarez ayaa kaga soo biiray kooxda Barcelona sanadkii 2014 kooxda Liverbool,wuxuna dhaliyay 94 gool 111 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan ilaa hada

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close